Cabsi ka jirta Degmada Ceelwaaq, xoogag taabacsan Daacish oo soo buuxiyay duleedka Degmadaasi

0
168

Ceelwaaqo(INO)- Xoogag taabacsan Ururka Daacish, ayaa waxay xalay soo buuxiyeen duleedka Degmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo, iyadoona laga cabsi qabo in ay qabsadaan Degmadaasi.

Dad socoto ahaa, ayaa waxay soo arkayn xoogag hubeysan oo soo dhoobtay duleedka Degmadaasi, waana markii ugu horeysay oo xoogag sidaasi u hubeysan lagu arko duleedka Ceelwaaq.

Saacado ka dib, ayaa waxaa soo shaac-baxday in dagaal-yahanadaasi ay daacad u yihiin Ururka Daacish, taaasoo kicisay dareenka bulshada ku dhaqan Degmada Ceelwaaq.

Sarkaal Ciidanka Xoogga ka tirsan, ayaa Dhacdo.com u sheegay in dagaal-yahano daacad u ah Daacish lagu arkay duleedka Degmadaasi, isla-markaana ay jirto dareen laga qabo in ay weeraraan Degmada.

Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan, ayaa qiray in ciidan tiro yar uun ay ku sugan yihiin Xarumaha Degmada Ceelwaaq, isla-markaana aanay difaaci karin Degmada, haddii ay soo weeraraan dagaal-yahanadaasi.

Dhanka kale waxaa jira abaabul ka socda Degmada Baardheere & Deegaanka Faa-faaxdhuun, oo lagu doonaayo in dagaal-yahanada taageersan Daacish looga difaaco Degmada Ceelwaaq.

Shabaabka hubeysan ee Somaliya ka dagaalamaaya, ayaa waxay iminka u muuqdaan kuwo u kala jabay garabyo kala taabacsan Al Qaacidda & Daacish.

Idale News Online, Ceel Waaqo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here