Daawo:Saraakiil Ka Socotay Dowladda Mareykanka Oo Kismaayo Kula Kulmay Madaxda Jubba

0
240

Kismaayo(INO)-Waxaa shalay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose gaaray Saraakiil ka socota Wasaarada Gaashaandhiga dalka Mareykanka, kuwaasi oo Magaalada Kismaayo kula kulmay Madaxda Maamulkaasi iyo Wasiirka Gaashaandhiga.

Saraakiishaan ka socotay Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay qaabilsan yahay dhanka ciidamada, waxaana madaxda Maamulka Jubba ay kala hadleen arimaha ku aadan isku dhafka ciidamada, xilli Wasiirka Gaashaandhiga uu Kismaayo u joogo arimo la xiriira isku dhafka ciidamada.

Xubnaha ka socday Dowladda Mareykanka ee dhanka ciidamada qaabilsan, ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), waxaana la isla gartay in laga shaqeeyo sida ugu fudud ee ciidamada la isugu dhafi karo.

Madaxda Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay diyaar u yihiin isku dhafka ciidamada Soomaaliya si loo helo ciidan qaran oo mideysan ooh al aragti leh.

Qarashka ku baxaayo isku dhafka ciidamada ayaa la sheegayaa inay bixinayso Dowladda Mareykanka oo ka mid ah Dowladaha Soomaaliya taageera.

Wasiirka Gaashaandhiga oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa bogaadiyay sida ay ku socoto howsha la xiriirta isku dhafka ciidamada Qaranka si loo helo ciidan mideysan.

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in la mideeyo ciidamada ku sugan Gobolada dalka, maadaama heshiiskii Garoowe ka dhacay ay isku afgarteen Dowladda dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.

Saraakiil 1

Saraakiil 2

Saraakiil 3

Saraakiil 5Saraakiil 7Saraakiil 6

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here