Baydhabo (INO) – Safiirka Soomaaliya u fadhida dalka Ingriiska Haweneyda lagu magacaabo Harriet Matthews ayaa Maanta Soo gaartay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay , Harriet waxaa ay Baydhabo kula kulantay madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden.
Kulanka Madaxweyne Shariif Xasan iyo Harriet Mathews dhex maray ayaa waxaa uu ka dhacay gudaha Madaxtooyada KGS Saacad iyo bar kudhawaad oo uu kulanka socday waxa markii dambe warbaahinta la hadlay Harriet iyo Madaxweynaha KGS waxaana hadalka ku horeeyay Shariif Xasan Sheekh Aden oo sheegay in imaatinka Safiirka Ingriiska magalada Baydhabo ay ahayd mid lagu boogadinayo Dhismaha Baarlamanka KGS iyo Arimaha Amniga.
“Waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo ka dhaxeeya Uk iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya , waxaa ay ahayd boogaadin wanaagsan oo ay inoo sameyeen una sameeyeen dhismaha Baarlamanka KGS sidoo kale waxaa uu sheegay in ay ka wada hadleen hiigsiga cusub ee 2016-ka”
Ugu dambeyntii, Sidoo kale safiirka dalka Uk u fadhida Dalka Soomaaliya Harriet Matthews ayaa geesteeda sheegtay in ay mar walba dowladeeda u taagantahay taageerida Dalka Soomaaliy .
Idale News Online, Baydhabo