Daawo:Qofkii Isku Qarxiyay Masjid Ku Yaal Kuwait Oo Noqday Muwaadin Sacuudi Ah

0
267

Kuweynt(INO)— Wasaarada arrimaha gudaha dowlada Kuwait ayaa sheegtay in qofkii isku qarxiyay jimcihii aynu ka soo gudubnay masjid ku yaal magaalada Kuwait in uu ahaa nin dhalashadiisu ay ka soo jeedo dalka Sacudi Carabiya.

Ninka is qarxiyay ayaa magaciisa lagu sheegay Fahd Suleiman Abdulmohsen al-Qaba’a waxana uu joogay dalka Kuwait muddo saacado ah ka hor inta uusan is qarxin.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintey 27 ruux halka ay ku dhaawacmeen labo boqol oo ruux iyadoo majidka qaraxa uu ka dhacayna ahaa mid ay dadka Shiicada ah ku tukadaan.

Ururka IS ayaa sheegtay in qaraxan uu ka dambeeyay iyadoo hore qaraxyo ka dhacay masaajidyo ay Shiicadu ku tukadaan ay ka dhaceen wadamo kale.

Dhowr ruux ayaa loo xirey qaraxan awgii iyadoo ay ka mid yihiin dadkaasi ninkii lahaa iyo darawalkii gaari uu ku tegey masaajidka qaraxa ka dhacay Fahd Suleiman.

Dowlada Kuwait ayaa weli wada baaritaano la xiriira qaraxan iyadoo weliba la kordhiyay ammaanka dalka Kuwait oo ah wadaan ay wada nool yihiin Shiico iyo Suniyiin.

fahd suleim (1)fahd suleim (2)

 Idale News Online, Kuweynt

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here