Daawo:Qarax Waxyeello Geystay Oo Ka Dhacay Degmada Xamar-Jajab Ee Gobolka Banaadir

0
257

Muqdisho(INO) — Sarkaal ka tirsan ha’yadda Nabadsugidda Qaranka ayaa si xun ugu dhaawacmay inta la ogyahay qarax ka dhacay degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir, Qaraxaas oo ahaa mid lagu xiray gaari uu Sarkaalkaan watay.

Qaraxa ayaa ka dhacay Barxadda Shineemo Afrika ee Degmada Xamar Jajab, iyadoo uu burbur xoggan gaaray gaarigii uu sarkaalku watay oo noociisu ahaa NOAH, illaa haddana lama oga cidda ka dambeysa Weerarkan.

Dhaawaca sarkaalka ka tirsan hay’ada Nabadsugidda Qaranka oo lagu magacaabo, C/casiis C/qaadir Xabiib Muunye ayaa loola cararay isbitaalka si loogu daweeyo, iyadoo dad goob-joogayaal ah ay sheegeen in Qaraxu ahaa mid xooggan.

“Sarkaalka Nabadsugidda ka tirsan si xun ayuu u dhaawacmay, dhaawiciisuna Wuxuu ahaa mid u badan dhanka hoose ee jirka, ciidammo kale ayaana isbitaalka ula cararay,” ayuu yiri Goobjooge ku sugnaa halka uu Qaraxu ka dhacay.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa sarkaalkan iyo sidoo kale, sidoo kalena weli kama aysan hadlin ha’yadaha Amniga dowladda, gaar ahaan hay’adda Nabad-sugidda oo uu sarkaalka la dhaawacay ka tirsanaa.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here