Daawo:Puntland Oo Heegan Dagaal Gashay Kadib Doorashadii Cadaado iyo Wasiirka Amniga Oo U Hadlay

0
237

Garoowe (INO)  Ciidamada kala duwan ee maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in heegan culus ay kujiraan iyadoo diyaar garowgani u eg yahay mid la isugu diyaarinayo xaalad dagaal oo laga cabsi qabo inuu ka dhaco gobolka Mudug.

puntlnad

Diyaar garowgan oo mudooyinkii danbe jirey ayaa maanta sii xoogaystey kadib markii Cadaado lagu doortay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo noqday madaxweynaha Galmudug.

Wasiirka amniga ee Puntland ayaa Garoowe kulan kula qaatay Taliyayaasha ciidamada Puntland isagoo amray inay ka hortagaan falalka amaan daro ee gudaha isuna diyaariyaaan difaaca Puntland sida uu ku sheegay hadal uu Saxaafadda siiyey.

Mr. Qarjab oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Puntland  aysan maanta ubaahnayn in carqalad la galiyo ammaankeeda.Waxaana uu tusaale usoo qaatay shirka ka socda Cadaado ee maanta Madaxweynaha lagu doortay.

Puntland ayaa mudooyinkii danbe siweyn uga qaylinaysa shirka Cadaado inkasta oo madaxda Galmudug sheegayaan inaysan dhibaato ku ahayn Puntland hadana Garoowe waxay muujinaysaa walaac xoogan oo heer dagaal gaadhi kara.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here