Marka(INO)- Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa soo bandhigay Askari iyo Sargaal la sheegay inay ka goosteen Maamulka Dowlada ee Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose.
Maleeshiyadu waxa ay sheegtay in Askariga iyo Sargaalka goostay ay goosashadooda ka hor xiriir lasoo sameeyen sidaana ay kusoo dhaweeyen.
Sargaalka iyo Askariga ayaa ka cabanaayay Mushaar la’aan ka heysata dhanka Dowlada iyo Xuquuqdii ay lahaayen oo ay iska fogeysay Dowlada.
Mid kamid ah wuxuu ahaa Sarkaal sare oo canshuur qaade ka ahaa degmada Baraawe, waxa uuna sheegay in dhamaan Canshuurtaasi ay ku dhici jirtay Jeebka shaqsiyaad gaar ah iyaguna ay ahaayen kuwa aan lasiin xuquuqdooda.
Waxa uu Sargaalkaasi sheegay in Maamulka iyo guud ahaan Dowladuba aysan xushmad gaar ah siinin Ciidamada sidoo kalane ay meesha ka maqan tahay wadaniyada iyada oo Askari waliba uu heer gaarayo goorta uu wato shaqsi mas’uul ka ah Dowlada, halka Askarta kalane loola dhaqmo si la dhaqanka aadanaha ka fog.
Idale News Online, Barawe