Muqdisho(INO) — Madasha Midnimada & Dimuqraadiyada ayaa waxay Muqdisho kasoo saareen maanta War-murtiyeed ay uga Hadleen waxqabadkoodii Mudadii ay jireen iyo ujeedooyinkooda Mustaqbalka so socda; waxaana War-murtiyeedkoodu ay ku bilaabeen sidan;
Halkan Ka Daawo
Madasha Midnimada iyo Dimuqraadiyadda Waxaa lagu furay Bayaankii is-beddel-doonka ee 05-tii Janaayo, 2015-kii. Waxaana Madashan ku bahoobay xildhibaanno, siyaasiyiin iyo xisbiyo.
Isbahaysigan wuxuu isku waafaqay in wadajir looga shaqeeyo difaacida dimuqraadiyadda, maamul-wanaaga, sareynta Sharciga iyo soo celinta Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale, Waxaa la isla gartay in Asaas adag loo dhigo horumar dhaqan-dhaqaale ku dhisan; caddaalad iyo sinnaan bulsho, lagana hor-tago musuqmaasuqa iyo ku takri-falka hantida dadweynaha, loona hawl-galo dhiirri-gelinta siyaasad hufan oo loo Tar-tamo kuna dhisan doorasho xor ah oo muwaadin walba uu ka qayb-galo.
Hawlihii Muhiimka ahaa ee ay Madashu soo Qabatay muddada Sannadka ka badan; waxay iftiimiyeen baahida weyn ee loo qabo in loo guuro xisbi siyaasadeed oo wadani ah oo dalka iyo dadka oo dhan metela, xisbigaas oo naga gudbiya Siyaasadda gurracan ee Qabiileysiga, una hawlgala hir-gelinta nidaamka axsaabta badan si dadkeennu u helaan Xuquuqdooda ka qayb-galka siyaasadda dalka, ayna u suuro-galaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah.
Sidaas daartedd, maanta oo taariikhdu tahay 06-da Bishan Feberaayo, 2016-ka, waa maalin farxadeed oo muhiim u ah ummadda Soomaaliyeed, Waxaana si rasmi ah u Daah-furaynaa Xisbiga MADASHA WADANIGA.
Xisbiga Madsha Waddaniga waa xisbi Qaran oo ka tarjumaya mabaadi’da Bayaankii bishii Jannaayo ee sannadkii 2015kii. Wuxuuna xisbigu horumarinayaa is-bahaysiga Siyaasadeed iyo wada-shaqaynta kala dhaxaysa axsaabta iyo siyaasiinta kale ee dalka.
Qaban-qaabada iyo dhismaha Xisbiga Madsha Waddaniga wuxuu intii mudo ah ka socday magaalo-madaxda, gobollada dalka iyo sidoo kale xarumaha Qurba-joogta Soomaaliyeed, waxaana asaasay boqolaal Soomaali ah oo jooga dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.
Dhanka kale, Illaa inta laga Ansixinayo Shariciga Xisbiyada oo hawshiisu socoto, hawlaha Xisbiga MADASHA, Waxaa lagu wadayaa iyadoo lagu Dhaqmayo Axdigiisa KMG-ka ah. Xisbigu wuxuu shirar-goboleedyo ku qaban doonaa deegaannada Maamullada dalka ka jira ee xubnaha ka ah Jamhuuriyada federaalka Somalia & deegaanada qurba-joogta; shirarkaas oo hordhac u noqonaya Shirweyne heer Qaran ah oo lagu qaban doonomagaala Muqdisho.
Ugu dambeyn; Xoghayaha Guud ee Xisbiga wuxuu magaca xisbiga ugu hambalyeynaynaa Dhammaan Asaasyaasha iyo Xubnaha Xisbiga, meel kastoo ay joogaan. Waxaana u Rajey-nayaa hawl-qabad wax-ku-ool ah oo lagu bad-baadiyo Dalkeenna iyo Dadkeenna, Horumar loo dhan yahayna horseeda.
Ugu dambeyn, Higsiga mideynta Dalkeena iyo dadkeenna, dowladnimo hufan iyo horumar dhaqan-dhaqaale oo loo simman yahay. Hal ku dheggeennuna waa Dal iyo Dad Mid ah iyo Dowlad shaqaysa.
Idale News Online, Muqdisho