Daawo:Mid ka mid ah Saraakiishii ugu sarreysay mucaaradka Suuriya oo la dilay

0
217

Mocow(INO)- Mid ka mid ah saraakiisha ugu sareeya jabhadaha mucaaradka ah ee ka dagaallamaya Suuriya oo lagu magacaabi jiray Zahran Alloush ayaa lagu dilay duleedka magaalada Dimishiq.

Wararka ayaa sheegaya in Zahran Alloush iyo dhowr sarkaal oo kale ay ku dhinteen duqeyn ay diyaaradaha Ruushka ka fuliyeen degmo ku taalla duleedka caasimadda.

Zahran Alloush

Jabhadda uu hogaaminayay Zahran ee Jaysh al-Islam ayaa waxaa si weyn u taageerta dowladda Sacuudi Carabiya.

Alloush ayaa noqday sarkaalkii ugu sareeyay ee ku dhinta duqeymaha Ruushka tan iyo markii uu howgalka ka bilaabay Suuriya. Xukuumadda Moscow ayaa ku tilmaamtay jabhadda Jaysh al-Islam mid argagixisa ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here