Muqdisho(INO)-Allaha Unaxariistee Max’ed Ibraahim Xaabsade oo kamid ahaa Xildhibaanada Soomaaliya isla markaana lasoo shaqeeyey dowladii KMG ahaa ee dalka soomaaliya kuna geeriyooday Isbitaalka Deva ee magaalada Muqdisho ayaa lasheegayaa in lagu aasi doono magaaladabaydhabo ee xarunta G/Bay.
Xaabsade ayaa lasheegay in uu sababsaday cudurada Kaadi macaanka iyo Dhiig karka iyadoona dhawaan lagu soo daweeyey isbitaal ku yaala Turkiga.
Mudanayaal katirsan baarlamaanka Soomaaliya oo nooga xog waramay ayaa sheegay in marxuumku uu ka tagay Afar Xaas iyo 38-caruur ah 17-kamdi ahne ay ahaayeen Wiilal halka 21-kale ay ahaayeen gabdho.
Madaxweynaha Koofur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa sheegay Tacsiyeen kadib in ay ku duugi doonaan magaalada Baydhabo Ee xarunta G/Bay iyadoona guddi loo xilsaaray aaskiisa.
Max’ed Ibraahim Xaabsade allaha unaxariistee waxaa lagu xasuustaa siyaasadda Soomaaliya isagoona ahaa shaqsi si weyn looga dhex garanaye Siyaasiyeenta Soomaaliyeed Gaar ahaan kuwadooda ku sugan Koofur galbeed.
Halkan Ka Daawo.