Daawo:Madaxweyne Xasan Sheekh oo kula Kulmay Muqdisho Wafdi ka Socda Ururka IGAD

0
253

Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo uu horkacayey Xoghayaha Guud ee ururka Mudane Maxbuub Macallin.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn wafdiga uga mahadceliyey doorka IGAD ay ka qaadato arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo wafdiga IGAD ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, Hiigsiga 2016 ee waddanka loogu qabanayo doorasho iyo halka ay marayaan barnaamijyada dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta ee waddanka ka socda.

Xoghayaha Guud ee IGAD, Maxbuub Macallin oo isna halkaasi ka hadley ayaa ammaaney horumarka dhanka siyaasadda iyo nabadgelyada ee ay Soomaaliya ku tilaabsatey, isagoo intaa raaciyey in IGAD aysan marnaba ka daali doonin taageerada ay u fidiso Soomaaliya ilaa iyo inta waddanka uu dib cagihiisa isu taagayo.

Kulanka ayaa ku dhammaadey jawi is-afgarad, waxaana goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno kale oo ka socdey IGAD.

unnamed (3)unnamed (8)unnamed (9)unnamed (10)Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here