Washingtong(INO) — Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa shalay booqday masjid ku yaalla magaalada Baltimore, gobolka Maryland ee Maraykanka. Waa markii ugu horreysay ee uu Obama Masaajid Mareykanka ah uu booqdo Muddadii uu xilka hayey.
Mr Obama ayaa Muslimiintii masjidka iskugu timid iyo maamulkii masjidka ku ammaanay inay yihiin dad Maraykan ah oo hawl-kar ah.
Dhinaca kale, wuxuu sheegay in Dadka Maraykanku ay inta badan Islaamka la Xiriiriyaan Argagixisada, isagoo sheegay in dhammaan dadka Maraykanku ay hal qoys yihiin.