Barline(INO)-Madaxweynaha Mareykanka Barak Obama iyo madax kale ayaa todobaadkan gudahiisa ka qayb galay shirka G7 oo lagu qabtay dalka Jarmalka.
Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Xeydar Alcabaadii oo ka mid ahaa dadkii lagu martiqaaday shirka G7 ayaa isku dayey inuu la hadlo madaxweyne Obama balse waxaa arintaas iska Jaahil dhigay obama.
Video aad la isku dhaafsaday baraha bulshada ku kulanto ayaa muujinayo Xaydar Alcabbaadii oo soo agfadhiisanayo madaxweyne Obama oo la sheekeynayo haweeneyda madaxa ka ah Bankiga Aduunka Christine Lagarde.
Ra’iisulwasaare Xeydar ayaa isku dayey inuu dareenka Obama soo jeediyo balse Barak Obama ayaa intuu soo fiiriyo kadibna sheekadiisii uu lahaa Christine Lagarde sii watay, muddo yar kadibna waxaa fadhiga looga kala kacay ra’iisulwasaaraha Ciraaq Xeydar Alcabbaadi, Mr. Alcabaddaadi ayaa isagana dhankiisa intuu saacadda gacanta ugu xirneyd fiiriyey ayuu dhinac kale u dhaqaaqay, arintan ayaa lagu tilmaamay mid fadeexad weyn ku ah madaxda dalka Ciraaq.
Mareykanka ayaa burburiyey dowladdii Ciraaq ee aduunka Sumcad ku lahay sanadkii 2001-dii.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Barline