Galkacyo(INO) — Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa maanta kulankii ugu horreeyay ku yeeshay madaxweynayaasha Galmudug, C/kraiin Xuseen Guuleed iyo Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, kulankaas oo ay labada madaxweyne ku saxiixeen heshiis ka kooban afar qodob oo gun-dhig u ah sidii loo xallin lahaa colaadda Gaalkacyo ka taagan.
Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur-galbeed, iyadoo sidoo kale ay joogeen xubno ka socday Beesha Calaamka.
AKHRISO; Heshiiska ay saxiixeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland;
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Galkacyo