Daawo:Kulan looga Hadlayo Qorshaha Qaran ee Dalka oo ka Furmay Muqdisho

0
258

Muqdisho(INO) — Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somalia ayaa kulan looga hadlayo qorista qorshaha Qaranka ee sannadaha 2017-ka illaa 2019-ka ka furtay magaaladaMuqdisho, kaasoo ay ka qayb-galeen RW ku-xigeenka Somalia, wasiirka qorsheynta iyo ku xigeenkiisa iyo agaasimyaasha wasaradaha dowlada Somalia.

Qorshahan ayaa lagu wadaa in lagu bedelo barnamijka New Deal oo 30-ka bisha Ogoosto ee 2016-ka ku eg, waxaana kulanka ay ka hadleen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Somalia, iyadoo lagu soo bandhigay heeso ka turjumaysa horumarka fanaaniinta kooxda Heegan.

Xuseen Ceellaabe Faahiye oo ah khabiir dhinaca qorshaynta ah oo munaasabadda hadalay ayaa sheegay in helista qorshe Qaran oo dalku yeesho ay tahay tallaabada ugu muhiimsan ee lagu horumarin karo dalka.

Sidoo kale, wasiir ku-xigeenka wasaraada qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah, C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa hoosta ka xariiqay in qorshaha Qaranku yahay midka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar waara.

Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somalia, C/raxmaan Caynte  oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhamaytirka qorshaha Qaran ee dhanka horumarinta dalka uu qaadan doono bilaha ka dhiman sannadkaan, isla markaana golaha wasiirrada la hor-geyn doono bisha June ee sannadka 2016-ka  si ay u meel mariyaan.

Ugu dambeyn, RW ku xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte oo si rasmi ah u furay kulanka qorista qorshaha horumarinta Qaranka ayaa tilmaamay in ujeedka laga leeyahay qorshahan uu yahay yareynta saboolnimada iyo  shaqlo la’aanta  ka jirta Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here