Lahore(INO)-Ugu yaraan 14 ruux, ayaa ku dhimatay weeraro ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday labada kaniisado oo ku yaala Magaalada Lahore ee dalka Pakistan.
Rag hubeysan, ayaa rasaas ku furay ilaaladii kaniisadaha la weeraray, waxaana la tilmaamay in laba ka mid ah raggaasi is qarxiyeen, markii laga horjoogsaday inay gudaha u galaan kaniisadaha.
Weerarada oo ka dhacay xaafad ay ku badan yihiin dadka masiixiyiinta, ayaa waxaa la xaqiijiyay in 70 ruux oo kale ku dhaawacantay labada qarax.
Weerarada waxaa lagu soo beegay, xilli mashquul badan uu Axada maanta ah ka jiray kaniisadaha, iyadoo dad fara badan ay ku sugnaayen.
Masuuliyada labadasi qarax waxaa sheegtay Talibanta Pakistan, kuwaa oo beegsi ku haaya masiixiyiinta reer Pakistan, iyagoo horeyna weeraro uu dhiig badani ku qaatay ugu qaaday.
Masiixiyiinta oo weeraradaasi caro ka muujiyay, ayaa dibadbaxyo ka dhigay Magaalada Lahore, waxayna ku muujiyen sida ay kaga soo horjeedaan in la beegsado.
Misiixiyiinta reer Pakistan, ayaa waxaa la tilmaamaa in boqolkiiba laba (2%) yihiin.
IIdale News Online, Lahore