Baydhabo(INO)-Waxaa Shaley Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay gaaray wefdi uu horkacaayay Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya Amb. Nicholas Kay.
Wakiilka iyo wefdigiisa oo ka amba baxay Garoonka Duulimaadyada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo.
Nicholas Kay iyo xubnihii kale ee la socday, ayaa gaadiidka qufulan ee Amisom lagu geeyay Madaxtooyada Magaalada Baydhabo, xilli uu ku sugnaa Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.
Shir gaar ah, ayaa labada dhinac iminka uga soconaya Madaxtooyada Magaalada Baydhabo, waxayna kaga hadlayan weerarkii uu Khamiistii Shariif Xasan ka badbaaday iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada uu caalamka siiyo Maamulka Koonfur Galbeed.
Wariye-yaasha oo shirkasi dibad joog ka ah, ayaa waxaa loo sheegay in faah faahin badan shirkasi laga siin doono, kolka la soo gaba gabeeyo.
Wariye-yaasha, ayaa sidoo kale soo sheegaya in maanta la adkeeyay ammaanka guud ee Magaalada Baydhabo, iyadoo wefdiga Nicholas Kay loo xiray qaar ka mid ah wadooyinka ugu muhiimsan ee Xarunta Gobolka Bay.
Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka ka dhanka ah Madaxtooyada Baydhabo, wuxuuna ujeedku weerarkaasi ahaa mid ka dhan ah Hogaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo