Daawo:Kaluumaysatada Muqdisho oo looga Digay aaga Garoonka Diyaaradaha

0
207

Muqdisho(INO)- Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo wehliyo Taliyaha Ciidanka Badda ee Soomaaliya Admiral. Madey Nuurey Sheekh Ufurow, ayaa galabta ku booqday xeebta Liido dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay rasaas ku fureen Ciidanka Midowga Africa ee AMISOM, kadib markii ay ku soo dhawaadeen xeebta garoonka.

mmm3

Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyey saddex doomood oo ay leeyihiin Kaluumeysatada kuwaas oo ka muuqdeen rasaas, wuxuuna sheegay Wasiirku in guddi baaritaan ku sameeya loo saaray arintan. Isagoo dhinaca kale uga digay Kaluumeysatada Soomaaliyeed in ay xiliyada habeenkii ah ku dhawaadaan garoonka iyo Dekadda Muqdisho kuwaasi oo dhibaato ka soo gaari karto.

mmm7

Wuxuuna yiri.“Waxaan u saarnay dhacdadan guddi baaritaan ku sameeya qaabka ay wax u dhaceen iyo khasaaraha soo gaaray kalumeysatada, Waxaan uga digeynaa Kaluumeysatada ka shaqaysa Muqdisho in ay u dhawaadaan goobaha ay Ciidamaddu dagan yihiin sida Garoonka Diyaaradaha iyo Dekadda Muqdisho.

mmm5

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here