Baydhabo(INO)-Hay’ada Mashaaricda QM Ee UNDP ayaa maanta Magaalda Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay waxay ka furtey Siminaar Uu Socon doono Mudo Labo maalmood ah isla markaaana waxaa lagu tartansiinaya Qaar ka mid ah Ardeyda Jaamacadaha Upper Jubba, USS, Bay University iyo Ganaany oo ay Ku yaallaan Gudaha Magaalda Baydhabo.
Dooda inta badan xooga lagu saarayey Hanaanka Goboleysiga Soomaaliya iyo Maamul wanaaga, waxaa iska Kaashadey Wasaaradda Qorsheynta iyo Xariirka Caalamiga Ee KG Soomaaliya, DFS , Hay’ada UNDP Iyo Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobey Soomaaliya Ee UNSOM.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Ee KG Soomaaliya,Maxamed Xaaji ayaa sheegey in muhiim ay tahay in si qoto dheer looga doodo Habka Federalism-ka iyo sidii looga wada qiib qaadan lahaa dhismaha Maamul Suubaan oo ka hana qaada Dalka Soomaaliya Gaar ahaan Degaanada KG Soomaaliya.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo