Baydhabo(INO)-Madaxda Gobalka Bay ayaa maanta Booqdey Mashaariicda ay wado Hayada DDG iyadoo ay lasocdaan Masuuliyiinta Gobal iyo Degmo , Madaxa hayada DDG Aadan saciid ayaa ka warbaixiyey howlaha Mashaariicada ay wadaan sida Ceelsha riiga ee hada loo sameeyey Xaafadaha Wadajir iyo Waaberi , kuwaasoo ay degan yihiin dad barakacyaal ah.
sidoo kale Madaxda kormeerka ku tagtey Howlaha Mashaariicda laga fulinaayey ee Hayada DDG ayaa waxaa ka hadley Cabdi Aadan Hoosoo oo ah Gudoomiayaha Gobalka Baay isagoo amaaney Howsha ay wado Hayada DDG , Taasoo ay si wada jir u wada shaqeyeen bulshada baydhabo iyo Hayada DDG ee kusugan Degmada Baydhabo.
Kormeerka Mashaariicda ayaa waxaa qayb ka ahaa Golaha Aqoonyahanada gobalka sida Prof Maxamed Cali Kalaay oo kamid ah Masuuliyiinta Jaamacada Koonfurta soomaaliya ahna Madaxda Aqoonyahanada Gobalka Bay.