Daawo:Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha & Ku Xigeenka Galmudug Oo La Magacaabay

0
222

Cadaado(INO) — Guddiga doorashooyinka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xgeenka Maamul-goboleedka Galmudug ayaa maanta lagu dhawaaqay, iyadoo guddigu uu ka kooban yahay sagaal xubnood oo ay ku jiraan saddex haween ah, iyadoo dhawaan la shaaciyay in doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay dhici doonto 04-ta bisha July ee soo socota.

Halkan Ka Daawo.

Qoraal kasoo baxay Cadaado ayaa lagu Xusay in Guddiga Doorashooyinka ay isla maanta go’aamiyeen kaddib markii ay lasoo tashadeen Guddoonka Baarlamaanka Galmudug in la Wargeliyo Musharaxiinta u Tartamaya xilka Madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug in ay Araajidooda iyo CV-yadooda ama Taariikh Nolaleedkooda soo gudbiyaan laga billaabo 30-06-2015 illaa 01-07-2015 Saacaddu marka ay tahay 12:00 duhurnimo.

FG: Murashaxiintu waxay Araajida iyo CV-yada kusoo hagajin karaan Xafiiska Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo ku yaala Hoteelka Imaaraat ee degmada Cadaado.

Wixii faah faahin dheeraad ah waxaa lagala xiriiri karaa Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Maxamuud Aadan Cusmaan, Tel: 0616562950,  0612222581, 0615558823.

AKHRISO: Magacyada Guddiga Doorashooyinka Madaxda sare ee Galmudug;

cadaadoIdale News Online, Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here