DAAWO:Gabar Soomaaliyeed Duruufta Muqdisho U Geysey Arin waligeda Gabar Soomaliya samayn,Iyo Gurmad Cusub.

0
185

waxa magaalada Muqdisho la Baahiyey Dhawaan gabar caseeye Ama baalashlle Ah,Iyadoona gabarta Qar ka Mida Qurba Joogta Soomaalida U gurmadeen,

waxana gabar Kunol dalka canada Ka damqatay gabartani. Gabar Soomaaliyeed ayaa waxa ay balan qaaday in ay noloshooda kafaalo qaadi doonto gabadhan caseeyaha ah iyo qoyskeeda waxbarshana ay ka bixin doonto dhamaan ilamaha la dhashay faadumo oo ah gabar caseeyaha aheyd.

Maanta ayaa idaacada kulmiye waxa ay qoyska faadumo gudoonsiisay Guri  iyo joodariyaal iyo shumac oo ay soo dhiibtay gabadha Somaliyeed ee Canada Ku nool qoyskana kafaalo qaaday.

Goobta Deeqdan lagu doonsinayay qoyskaan ayaa waxa ka hadlay  Agaasime ku xigeenka  idaacada Kulmiye ahna sii hayaha xilka Agaasimaha Idaacada Burhaan Diini Faarax  oo deeqdan ay maanta gabadhaan Soomaaliyeed idaacada Kulmiye u soo marisay qoyskaan dhiban.

Ugu dambeyn Hooyo Haajaro Cusmaan Axmed oo ah hooyada dhashay Faadumo ayaa waxa ay gudoontay deeqdii la soo gaarsiyay waxayna u mahad celisay Gabadha Soomaaliyeed ee ku nool Canada Iyo Idaacada Kulmiye oo loo soo marsiiyay.

Maamulka idaacada kulmiye ayaa marar badan oo sidaan oo kale ah waxa ay deeq gaarsiiyay qoysas dhiban kuwaasi oo isugu jiray kuwo loo soo marsiiyay iyo kuwo ay idaacada ay bixisay waxaana maamulka uu sheegay in mar waliba ay la shaqeyn doonaan cid kasta oo u gar gareysa qof dhibana ah oo daryeel u baahan.

DSC08571DSC08635DSC08604DSC08636