Daawo:Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare Ee Macmuur Oo Bulshada Baydhabo U Sida Waxbarasho Tayo Leh

0
281

Baydhabo(INO)- Dalka Soomaaliya ayaa Muddo 23 Sano ah wuxuu kusoo jiray Burbur dowladeed iyo Dagaalo sokeeye oo meesha ka saaray dhamaan Adeegyadii Dadweynaha ee Dalka ka jiray, waxaana ay taasi ku riixday Soomaali badan in Adeeg kasta oo ay doonayaan mid fudud iyo mid culusba ay ka goobaan Dibadaha.

Waxbarashada ayaa ku jirtay Waxyaabahaas Bulshadeena ka maqnaa ee Dibadaha loogu hayaamayay, balse Tobankii Sano ee u dambeeyay waxaa soo kabanayey Waxbarashada Dalkeena, oo Tayo soo yeelanaysay.

Iskuulo badan ayaan  iminka ka furan magaalada Baydhabo iyagoo ku shaqeeya xarumo kala gedisan oo aad utiro badan, waxaana taa barbar yaala Ardayda oo iyaguna aad u badan.

Tusaale Iskuulka MACMUUR xaruntiisa Baydhabo Waxaa uu ku yaala Xaafada WADAJIR Ee magaalada Baydhabo wuxuuna ka mid yahay iskuulada ugu ardayda badan, uguna tayada sareeya marka laga hadlayo Koonfur galbeed iyo guud ahaan Soomaaliya, wuxuuna laamo kala gedisan ku leeyahay gobolada dalka qaar kamid ah,waxana haatan dhigta xarunta Baydhabo arday tiradoodu gaaraysa 767 arday.

Marxalado kala duwan ayuu soo maray Iskuulka MACMUUR xaruntiisa Baydhabo isagoo laamo kala duwan oo guryo yaryar kirana ahaa lagu bilaabay oo wax dhul ah uusan heysanin kudhowaad mudo 5 sano kabadan balse alle mahadii hada waxa uu ku guuleystay maamulka sare ee iskuulka inuu helo dhul aad ubalaaran oo aan ciriiri iyo kiro toona aheyn taasoo alle kasokow uu maamulka iskuulka ugu mahadcelinayo guddiga xaafada WADAJIR ugu horeeyo gudoomiyaha xaafada, maamulka degmada iyo kan gobobolka, xildhibaanada Koonfur galbeed iyo xildhibaanada qaran qaar ka mid ah oo kasoo jeeda xaafada WADAJIR.

Maamulaha Iskuulka MACMUUR xaruntiisa Baydhabo ahna wakiilka dalada SEDA ee Koonfur galbeed Mukhtaar Maxamed Guuleed ayaa Xili Warbixino aan ka diyaarinayey guud ahaan goobaha waxbarashada waxaa uu iiga sheekeeyey xaaladihii kala duwanaa ee uu soo maray iskuulka iyo tirada lagu furay MACMUUR wuxuuna yiri “Waxaan furnay xili dalka waxbarashada ay aad ugu yartahay degmada Baydhabana uusanba kajirin iskuul manhajkiisu yahay luuqada ingiriiska, tiro 50 arday kayar ayaana ku bilownay maantana waad arkeysaan heerka uu marayo iskuulka asagoo kamid ah iskuulada ugu sareeya Koonfur galbeed xaga tayada iyo tiradaba”.

Tani waxay Cilmi baarisyo badan oo la sameeyay ku sheegeen inay tusaale u tahay sida Baydhabo ay dhanka aqoonta uga soo hormareyso, iyadoo ay xusid mudan tahay in Saddexdii Sano ee u dambeeyay ay xitaa jireen Soomaali qurbaha laga keenay oo Dugsiyada Baydhabo ku yaala ku biiray si ay wax uga bartaan.

Qormadan kooban waxaan ugu tala galay inaan kusii xoojiyo hormarkaas waxbarasho ee Baydhabo  ay ku tallaabsatay, waxaanan soo qaadanayaa astaan kale oo hormarkani uu yeeshay, ahna Ififaalo Farxad iyo reyn reyn sii galinaya dadka rajada ka qabay in waxbarasho lagu tiirsanaan karo ay Baydhabo yeelato.

Si kastaba ha noqotee, in Madaxda dowlada iyo kuwa Maamulka koonfur galbeed ayaa dhawaan waxaa xaflad ka dhacday Hoolka Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare Ee MACMUUR ku gudoonsiyeen shahaadooyin xili ay ka qalanjebinayeen ardey tiradoodu gaareyso 108 ardey, waxay dhiirigalinaysaa Ardayda Soomaaliyeed, si ay ugu kalsoonaadaan iskuulada isla markaana ay u rumeystaan in gudaha Baydhabo laga heli karo Waxbarasho u dhiganta tan Dibadaha laga doonto.

 Halkan Ka Daawo Sawiro.

img_7730img_7725img_7717

img_7704img_7701img_7699img_7698

img_7695img_7693img_7690img_7687img_7686img_7683img_76750102030504