Daawo Sawiro+War Saxaafadeed: Xaafiisyada Wasaarada Qorsheynta Iyo Iskaashiga Caalamiga Ee KGS Oo Xariga Laga Jarey

0
202

Taariikh: 28da Settember 2016

Press Release (War-Saxaafadeed)

Qudbadda Wasiirka Qorsheynta KGS, Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush:

Maanta, Waxaa sharaf weyn ii ah inaad nalaga soo qeybgashaan Xafladda Furitaanka Xafiisyada Wasaarada Qorsheynta iyo Iskhaashiga Caalamiga, Hoolka weyn ee Shirarka iyo Masaajid.

Dhismahan qiimaha badan waxaa noo dhistay Hayadda UNDP oo qarashka ka heshay Dowladdaha Deeqaha bixiya oo aay ku jiraan: Dowladaha Sweden, Midowga Yurub, UK, Talyaaniga, Denmark iyo Norway.

Dhismaha wuxuu ka kooban Xafiisyo, Masaajid ay ku dukan karto dad ka badan 200 oo qof iyo Hool shirar oo loogu talagalay ilaa 500 qofood.

Shaqada Dhismahan waxaa la bilaabay Bishii Maarso 2016, waxaa ku baxay Qarash lacag oo gaaraaya $203,816.93.

Qalabka gudaha yaala sida kuraasta, miisaska iwm waxaa noogu deeqay Mashruuca TIS+ oo aay wado hayadda AECOM. Waxaa kale oo TIS+ u sameyneysaa dhismahan Korontada laga dhalinayo Qoraxda ama Solar System.

Waxyaaladaha Hoolka eey bulshada u isticmaali doonto waxaa ka mid ah:

  • Shirarka Bulshada
  • Doorashooyinka Soomaaliya
  • Tababaro kala duwan
  • Sanadguurooyin
  • Howl maalmeedka Wasaaradda

Furitaanka dhismahan waxaa xariga ka jaray Safiirka Sweden ee Soomaaliya, Mudane Mikael Lindvall iyo Kusimaha Madaxweynaha KGS Mudane Maxamed Xasan Fiqi.

Ugu dambeyntii, Waxaa kale Xafladda goobjoog ka ahaa Kuxigeen Hayadda UNDP Somalia, Mudane David Akopyan, Vikram Parekh iyo Alexandra Simpson oo ka socda Xafiiska UNSOM Baydhabo.

Halkan Ka Daawo Sawirada iyo VIDEO

060501020406 03