Garowe(INO)-Kulan muddo laba maalmood socon doono, ayaa maanta Magaalada Garoowe waxa uu kaga bilowday Dowladda Federalka Somaliya iyo Maamul Goboleedka Puntland.
Wada hadaladan, ayaa yimid markii wefdi uu horkacayo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ay Jimcihii gaareen Magaalada Garoowe ee Xarunta Mamaulka Puntland.
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo kulanka ka hadlayay, ayaa sheegay in Dowaldda Somaliya uu xil ka saaran yahay inay cid kasta kala wada hadlan, sidii dalka lagu gaarsiin lahaa hiigsiga 2016.
“Hadaa nahay Madaxda Dowlada Federalka ah waxay masuuliyad naga saaran tahay inaan wada tashiyo dheeraad ah kala yeelano cid kasta oo uu khuseeyo higsiga 2016, si loo helo dastuur loo qaaday afti dadweyne iyo in la helo dib u heshiisiin qaran, oo dhamaan gaarta Gobolada iyo Degmooyinka Wadanka.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.
Waxa kaloo uu yiri “Wada xaajood kasta oo la yeesho wuxuuu u baahan yahay dulqaad, is faham iyo isu tanaasul, waxaan rajaynayaa inuu is faham iyo heshiis ka soo baxo shirkaan” “Dhismaha ciidan qaran xukuumadu waxay u saartay gudi ay hogaaminayso Wasaarada Gashaandhiga waana inaan aragti midaysan ka yeelano dhismaha ciidan qaran, waa inaan helnaa ciidan qaran oo soo celiya karaamadii iyo Sharfta Soomaaliya, wadankana gaarsiiya horumar dhanka amniga ah.”
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxa uu Maamulka Puntland uu ku ammaanay hooyadii iyo aabihii shacbiga Somaliyeed, u horseeday Nidaamka Federalism-ka.
“Puntland waa hooyadii iyo aabihii Federalka waxayna markasta diyaar u tahay kana shaqaynaysaa sidii leeskugu keeni lahaa shacabka Soomaaliyeed, waxaase dhacda in mar-marka qaar la yeehso aragtiyo kala duwan, taas ayaana sabab u ah in laysugu yimaado kulamo.waxaa kulankaan qayb ka ah in lays weydiiyo maxaa imaan doona 2016 iyo dowaldnimada dhalanaysa waa noocee, marka waxaa loo baahan yahay in si wada jir ah looga arinsado, iska waraqab joogto ahna la yeesho.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay inay muhiim tahay in la meelmariyo heshiiskii, ay sanadkii tagey kala saxiixdeen iyaga iyo Dowladda.
Ujeedada Ra’iisal Wasaaraha ee Magaalada Garoowe, ayaa waxaa lagu sheegay sidii Maamulka Puntland looga dhaadhicin lahaa inuu taageero Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe Somaliya.
Maamulka Puntland, ayaa ka soo horjeeda Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe (Galgaduud iyo Mudug), isla-markaana uu ka horimanayo Dastuurka Qabyo Qoraalka ee Somaliya loo sameeyay.
Puntland, ayaa waxay ku doodeysaa in Waqooyiga Gobolka Mudug uu qayb ka yahay deegaanada ay ka arrimiso, isla-markaana aynaan aqbali doonin in lagu biiriyo Koonfurta Gobolka Mudug, si uu Maamul Goboleed ula wadaago Gobolka Galgaduud.




















Idale News Online, Garowe



