Muqdisho(INO)- Donald Trump, Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka, ayaa Khamiistii Magaalada New York kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Japan, Shinzo Abe, kaasoo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.
Ra’iisal Wasaaraha Japan, ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu horeeyay dunida ee uu qaabilo Donald Trump, oo lagu wado in xafiiska uu la wareego bisha January ee sanadka soo socda.
Gaba gabadii kulankoodan, ayaa waxaa shir jaraa’id qabtay Ra’iisal Wasaaraha Japan oo qura, iyadoo aanu kala qaybgelin Donald Trump, sababo ku aadan fasax dhinaca maamuuska awadii.
Wuxuu Ra’iisal Wasaaruhu sheegay inuu aaminsan yahay in xiriir is aaminaad leh uu la yeelan karo Donald Trump.
Shinzo Abe oo Donald Trump ku booqday Dhismaha Trump Tower, ayaa kulankaasi ku sifeeyay mid aad u diirnaa, oo arrimo badani ay kaga wada hadleen, inkastoo aanu faah faahin ka bixin.
Dalal ay ka mid tahay Japan, ayaa walaac ka muujiyay hadal uu jeediyay Trump, xilligii uu ololaha madaxtinimada ku guda jiray, markaas oo uu sheegay in Wadamada Qaaradda Asia ay tahay inay bixiyan dhaqaalaha Militariga Mareykanka.