Muqdisho (INO)- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay in 25 sano kadib dib loogu celiyo qoys Hindi ah, guri xoog looga haystay, iyadoo dadkii sida sharci darada u deganaa laga saaray.
Tallaabadan ayaa ka danbeysay kadib markii maamulka gobolka banaadir uu dhisay guddi la magac baxay xalinta khilaafaadka dhulalka, kaasoo amar kasoo baxay uu maamulka degmada Hodan fuliyay, dibna loogu celiyay qoyskaasi Hindida ah.



