Oslo(INO)-Waxaa magaalada Oslo eecaasimadda dalka Norway lagu aasay Allaha u naxariistee Maxamed Deeq Khadar Salaad, oo todabaadkii hore ay laba nin oo cadaan (Norwegian) ahi ku dileen xaafadda Holmlia ee magaalada Oslo.
Waxaa duugta isugu yimid dad badan oo soomaali ah, asxaab cadaan ah iyo muslimiin kaloo degan magaalada Oslo.
Labada nin ee dilay wiilka Soomaliyeed ayaa ku jira xabsiga, waxaana ay bolisku haatan wadaan baaritano lagu xaqiijinayo sababta dilkan, iyadoo la filayo in maxkamad la soo taago dembiilayaashii geystay falakan oo iyagu sida la cadeeyay walallo ah.