Daawo:Ciidamada Yahuuda oo Diley Gabar Ardayad Reer Falastiin Ah

0
273

Cazza(NO)-Ciidamada Yahuuda Israa’il ayaa shalay dil araggax leh waxa ay u geesteen Gabar 19-sano jir ah oo u dhalatay Dalka Falastiin, waxa ayna Ciidamadan gabadha ay toogteen ku eedeeyeen in ay dooneysay in midi ku weerarto .

Hadeel Salah al-Hashlamon oo 19-sabo jir aheed ayaa dhiganeysay Jaamacad kutaal Falastiin, waxaana gabadhan bar koontarool ay ku sugnaayeen askarta Yahuuda ku toogtay mid kamid ah askarta oo ku eedeeyeen in ay midi kusoo weerartay.

Rasaasta uu Askariga Yahuuda ku dhuftay Gabadhan reer Falastiin ayaa sababtay in uu dhaawac halis ah uu soo gaaro kaa oo ugu dambeyn ay u geeriyootay sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay aabaheed oo lagu magacaabo Salah al-Hashlamon.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay sii xoogeesanayay kacdoonka ay wadaan dadka Falastiiniyiinta ah kuwaa oo ka careesn xadgudubyada iyo weerarka ay Ciidamada Yahuuda ku hayaan Masjidka barakeesan ee Al-Aqsaa.




I

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here