Daawo:Ciidamada AMISOM oo loo tababarayo ka hortagista weerarada Al-Shabab

0
274

Muqdisho(INO)-Wakiilka ururka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maman Sadiiqu oo la hadlay Tv,ga Al-Jazeera ayaa sheegay mar uu ka hadlayay weerarkii Al-Shabab ay ku qaadeen xerada Xalane ee Muqdisho in ciidamadooda ay hadda kadib u tababari doonaan ka hor tagista weerarada gaadmada ah ee Al-Shabab Soomaaliya ka geystaan.

MUQDISHO

Maman Sadiiqu oo sidoo kalena ah madaxa hawlgalka AMISOM waxaa uu qiray in ciidamada AMISOM ay waqti ku qaadatay dagaalkii ay la galeen dablaydii weerartay xerada Xalane inkastoo uu haddana ku faanay inay ugu dambeyn ka guulaysteen kooxdii weerarka gaysatay .

Halkan Ka Daawo Video.

“Ciidamadeena waxaan deg deg ah ugu tababari doona una bari doonaa farsooyinka ay Al-Shabab adeegsadaan iyo weerarada noocaan oo kale ah” waxaa sidaas yiri Maman Sadiqu oo midawga Africa wakiil uga ah Soomaaliya sidoo kalena ah madaxa AMISOM.
Al-Shabab oo ah garab hubeysan weerarada ay Soomaaliya ka geystaan farsamooyin kala duwan ayay u adeegsadaan.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here