Baydhabo(INO)-Ardayda Jaamacada Jubbada Sare Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa Maanta u fariistay Imtixaanka Semesterka koowaad ee sanad waxbarashadeedka 2015/2016.
Imtixaanka ayaa Ardayda ay gelin doonaan subax iyo galab, waxaana Diiwaan-hayaha guud Ahna Madaxa Xafiiska Maamulka ee Jaamacada Jubbada Sare Dr. Idiris Cabdi Takhtar uu u rajeeyay ardayda guul iyo inay si kalsooni ku jirta u galaan imtixaanka.
Dr. Idiris Cabdi Takhtar ayaa u mahad celiyay dhamaan ardayda Jaamacada ee u fariisatay Imtixaanka Semesterka koowaad, waxaan uu xilliga imtixaanka bilowday ku tilmaamay maalin qiimo badan.
Mar uu ka hadlayey Dr. Idiris Cabdi Takhtar ayaa tilmaamay in kulliyadaha imtixaanka loo galayo ay yihiin 4 kulliyadood oo ay kala galayaan subax iyo galab.
Ugu dambeyntii, Imtixaankan ayaa ku bilowday jawi aad u wanaagsan, iyadoo ardaydana ay wajiyadooda ka muuqatay degenaan iyo isku kalsoonaan, iyagoo Alle ka rajeeyay inuu si wanaagsan ugu dhameeyo.
Halkan Ka Daaawo
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo