Daawo: Yaa Ka Dambeeyay Falkii Xalay Lagu Dilay Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Booliska Baydhabo

0
221

Baydhabo(INO)-Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in ay Mas’uul ka yihiin Dilka Col. Cali Salaad Taliye Kuxigeenkii Ciidamada Booliska Saldhiga Magaalada Baydhao oo Xalay lagu Toogtay Magaaladaasi Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

War lagu qoray Warbaahinta Qoraaladaa ee Taageera Shabaab ayaa lagu sheegay in Sargaalka la dilay uu Xariir wanaagsan la lahaa Ciidamada Itoobiya ee Qeybta ka ah AMISOM islamarkaana uu Dadka ku Eedeeysan Al-shabaabnimada uu kaiibsan jiray.

“Ciidamada Gaarkaa ee Al-shabaab ayaa Dilay Col. Cali Salaad waxaana Weerarkaas lagu dhaawacay Labo Askari oo Ilaalo u ah”ayaa lagu yiri Warka Shabaab ka soo baxay.

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Toogasho lagu dilay NInkii ka danbeeyay Dilka Taliye Kuxigeenka islamarkaana ay Ciidamada wali wadaan Baaritaan lagu Xoojinayo Amaanka Magaalada Baydhabo

Halkan Ka Daawo, Sawiradda Dilihii Diley Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Booliska Ee Saldhiga Baydhabo oo  la toogtey.

bnCatturammnCatturanmCatturaqawe

Idale News Online, Xafiika Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here