Muqdisho (INO) – Kulan taageero loogu muujinaayey Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isla markaasna ay ka soo qeyb galeen xildhibaano lagu qiyaasey ku dhowaad 90 xubnood, ayaa lagu qabtey Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah xildhibaanadii kulanka goob jooga ka ahaa ayaa kulankaasi ka sheegay in ay codkooda siin doonaan musharax Xasan Sheekh, isla markaasna taageersan yihiin hal ku dhega musharaxa ee ah”Qabyo Ninkeeda ayaa dhameystira”
- Xil. Axmed Mayow Cabdulle (Korneyl Ruush)
- Xil. Sheekh Maxamed Nuur “Sheikh Aadan Madoobe”
- Xil. Sareedo Maxamed Abdalla
- Xil. Amb Maxamed Mursal
- Xil. Sandheere Maxamed Iftiin
- Xil. Cabaas Siraaji
- Xuseen Maxamuud Sheikh Xuseen (Badni)
- Xil. Khaliif Duurey
- Xil. Maxamed Xuseen Afaraale,
- Xil. Maxamed Mursal Booroow
- Xil. Ibrahim Yaroow
- Xil. Maxamuud Macalin Yahye
Dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed oo iyagu isha ku haaya xildhibaanada ay soo doorteen ee xanbaarsan codkooda, cida u doorayaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo waxa ay ku qiimeyn karaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib loogu dooran karaa, mar kale. Xasan Sheekh waxa uu sheegay 5 bilood kadib doorashadiisi isaga oo ku sugan magaalada London in afar sano ay ka badan tahay sida dhaqankuna yahay aan Madaxweyne Soomaaliyeed mar kale dib loo dooran, Haa taas run ayuu ka sheegay, maxaa marka beddalay aragtida madaxweynaha?.
Haddii dib loo doorto Xasan Sheekh Maxamuud maxay ka dhigan tahay, waxaa dad badan aaminsan yihiin in meel fog laga raadinayaa, xasilooni siyaasadeed, midnimadda iyo qaranimada Soomaaliya, waxaana dalku khatar ugu jiraa in uu dib ugu noqdo waayihii xumaa ee soo maray, AMISOM dalka ma sii joogi karto marka la eego dalalka ay ka socdaan oo iyaguba cago aan ku taagneyn, Xasan Sheekhna wuxuu helay fursad uu Soomaaliya wax uga qaban karo, taas oo seegtey haddaba waxaa fursad labaad haysta Xildhibaanada Soomaaliyeed oo ay Soomaaliya ku bad-baadin karaan, inkasta oo hal xaaraam ah aysan dhalin nirig xalaal ah.
Lama oga in dhamaan xildhibaanadii halkaasi joogey
Idale News Online.