Muqdisho(INO)- Ka dib markii dib loo fiiriyey isla markaana xal laga gaarey arintooda Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Dowlada Soomaaliya oo laga soo doortey Koonfur Galbeed Soomaaliya oo murun ka taaganaa ka mid noqoshadooda BFS isla markaana dib ayu eegdey Mashada Hooganka Qaranka (MHQ) ayaa waxa maanta Gudiga Doorashooyinka heer federal ay Siyeen Shahaadada Aqoonsiga.
Waxaa Ugu Dameyn Gudiga Doorashooyinka Somalia Shahaada Aqoobsiga Ee Xildhibaanimo ay Siyeen Maxamed Saciid C/laahi, Muna Sheekh Khaliifa Abuu , Samra Ibrahim Cumar iyo Nadiifo Aaden Isaaq kuwaas horey ugu mid ahaa 11 Mudane oo ay laaleen Gudiga Xalinta Khilaafaadka Ee Doorashooyinka Dalka.
Si kastaba ha ahaatee Waxa Dhawaan Madashada ay sheegdey in dib loo soo doorto Kursiga uu ku soo Baxay Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed oo ka mid ahaa 5 Mudane oo Gudiga Khalinta Khilaafaadka ay diideen.
Ugu dambeyntii, Maalinta Berito ayaa lagu wadaa in la dhaariyo Mudanayaashan loo ogolaadey inay ka mid ahaadaan BFS.