Baydhabo(INO)- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KG Somalia, ayaa Madaxweynaha waxa ay ka gudbinayaan mooshin ka dhan ah, waxana loo gudbinaya Mooshinkaasi Guddoonka Baarlamaanka KG Somalia.
Xildhibaanada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan Mooshinka ka gudbinaya ayaa ku eedeeyay arimo kala duwan oo ay ka mid tahay in Madaxweynaha uu ku xadgudbay Dastuurka dalka KG Soomaaliya, sidoo kalena uu ku kacay Musuq maasuq iyo wax u qabasho la’aan Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo
Maxweynaha Ayaa lagu eedayey inuu asyan wax ka qaban Arimhaa amaanka Xildhiaanda, Xasradka ka taagan Gobolka Bakool, dhibaateyna Shacabka Gobolka Shabellaha Hoose, Gunadii Xildhibaanada KGS oo weli la siina iyo arimo Kale oo xasaasi ah.
Xildhibaanada Waxay sheegeen inu asyan Madaxweyne Dhab ah balse uu yahay Ku simi madaxweyne waxaa sida hadalka Ay u dhigeena.
Xildhibaan Xasan Ibrahim oo ka tirsan Xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mooshinka ka gudbinay ayaa sababta ay mooshinka u gudbiyaan wuxuu ku sheegay inay doonayaan in isbedel uu yimaado Maxaweynah Koonfur Galbeed Soomaaliya Xilkiisu ku dhameystey Safaro.
Eedeymaha ay u jeediyeen Madaxweynaha KG Somalia ayuu sheegay inay u hayaan cadeymo ku aadan Arintaaso isla markaana tan iyo markii dhisey dowlada KGS aysna jirin wax isbedel ah uu sameeyey Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Halkan Ka Dhageyso
Cali Ilyaas, Idale News Online, Baydhabo