Daawo: Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar oo u Taagan Qabashada Xilka Guddoonka Gollaha Shacabka

0
228

Muqdisho (INO)—Kadib markii maanta Xarunta Dugsiga Tababarrada Booliska Jeneraal Kaahiye Ex School Policy ee Magaalada Muqdsho lagu dhaariyay inta badan Xubnaha labada Aqal ee dowladda Cusub  ee Soomaaliya ayaa gaba gabada Munaasabadaasi waxaa Shir Jara’id oo uu ku qabtay Madasha Munaasabadda uga dhawaaqay in uu u taagan xilka Guddoonka sare ee Golaha Shacabka Idiris Cabdi Dhaqtar oo ah Waayo Arag Siyaasi ah islamarkaana ah Aqoonyan meelo badan oo gudaha dalka ah ka soo shaqeeyay.

Musharrax Idiris CabdiCabdi Dhakhtar oo isu soo taagay Xilka Guddoomiyaha  Aqalka Hoose ama Golaha Shacabka Soomaaliyeed  oo ka hadlayay sababta ku kaliftay In uu ku dhawaaqo Musharraxnimadiisa Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in markii uu arkay daruufaha dalka hareeyay uu doonayo in uu wax uga qabto xilkaas haddii loo doorto Midnimada iyo Cadaaladda Umadda Soomaaliyeed taas oo sida uu ka dhawaajiyay dalka u horseedi doonto Isbedel.

Sidaas daraadeed ayuu ugu baaqay Golaha Shacabka Soomaaliyeed in ay  codkooda Kalsoonida siiyaan.

Mar uu ka warbixinayay Musharraxa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Idiris Cabdi Dhaqtar Waayo Aragnamadiisa ayuu ku nuux nuuxsaday in 30 kii sano ee u dambeeyay uu ku dhex shaqeynayay gudaha dalka gaar ahaan u siyaabo kala duwan uga soo shaqeeyay  illaa 3000 oo deegaanno Soomaaliyeed oo leh Gobol weliba ee dalka ka tirsan weliba isagoo la shaqeynayo Hay’ado Samafal ee ay ugu horreeyaan kuwa Qaramada Midoobay.

Waa Musharrixii ugu horreeyay ee Dowladda Cusub oo ku dhawaaqa Musharraxnimadiisa Afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliyeed..

Musharrax Idiris Cabdi Dhagtar oo ka mid ah Xildhibaanada lagu soo doortay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Koofur Galbeed ayaana dadka wax ka yaqaanno ku tilmaameen in uu yahay shaqsi ku sifoobay u ololeynta baadi goobka midnimada Soomaaliweyn iyadoona haddii ay suuro gasho in uu ku guuleysto shir Guddoonka Baarlamaanka la sheegay in uu wax ka qaban karo la Xisaabtan la’aanta Golaha Fulinta dowladda ee daashatay Baarlamaanadii hore ee dalka soo maray.

Halkan Ka Daawo