Baydhabo(INO)-Xildhibaan Idirid Cabdi Taqtar oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka Federalka ayaa ku baaqay in gar gaar la la soo gaaro Deegaadada Abaarta iyo Biyo la’aanta ku dhufatay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xildhibaan Idirid Cabdi Taqtar oo ka mid ah xildhibaanada Federalka Soomaaliya Oo Dhawaan u tartamay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Shir Jaraa’id qabtay kaga hadlay arimaha bani’aadannimo ee ka jira Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliyaoo ay ka mid yihiin Abaaaro,Biyo laaan iyo cuduro.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dadkaasi dhibaateysan lal soo gaaro daawooyin iyo in loo helo biyo nadiif ah.
Ugu dambeyntii Xildhibaan Idiris ayaa dhanka kale Sheegey in maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu Bulshadiisii kaga mashquulay doorashooyinka madaxda heer Federal.
Halkan Ka Daawo VIDEO.
Wariye Abshir Maxamed Nuur, Idale News Online, Muqdisho