Faahfaahin Gawaarida AMISOM oo dulmartay Gaari ay Saarnaayeen Shacab

0
190

Muqdisho(INO)— Ugu yaraan toban ruux ayaa ku dhimatay 15 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaadiid ay leeyihiin AMISOM ay dul mareen gaari bas ah oo ay dad rayid ah saarnaayeen.

Kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM oo ka baxay magaalada Muqdisho , islamarkaana ku sii jeeday degmada Afgooye ayaa deegaanka Calamada waxaa ay ku jiireen Gaari Caasi ah oo ay Saarnaayeen shacab.

Gaariga ay jiireen Gawaarida AMISOM ayaa ah  caasi  kusoo jeeday magaalada Muqdisho iyadoo dadkii saarnaa  ay noqdeen wax dhintay iyo sidoo kale wax dhaawacmay.

Shilkan ayaa ah kii ugu xumaa ee ka dhaca wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye inta la ogyahay. Hase yeeshee ciidamada AMISOM ayaa mid kamid ah gaadiidkooda waxaa uu dul maray guri ay qoys xoolo dhaqato ah ku noolaayeen deegaan kamid ah gobolka Sh/hoose, iyadoo dhammaan qoyskaasi ay ku dhinteen shilkaan.