Baardheere, (INO) – Waxaa Magaaladda Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay Maanta Xaflad ku qabtey Musharax Xasan Cabdi Nuur Maxamed ( Xasan Xiifow) taasi oo uu kaga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xubinnimada Baarlamaanka Federalka cusub ee Soomaaliya ee Ee Beesha Hubeer.
Xafladani oo si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa ka qeyb galey Xildhibaano Ka tirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya , Samadoono, Aqoonyahanada, Siyaasiyiin, iyo Wasiirka Beesha Hubeer Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliy Mudane Jaylaan i Sh. Maxamed Xasan kuwaasi oo dhamaantood kalsooni u muujiyey Musharaxnimada Xasan Cabdi Nuur Maxamed (Xasan Xiifow).
Nabadoonadii ,Xildhibaanadii iyo Waxgaradkii Beesha ee taageerada iyo Kalsoonida u muujiyey Musharaxa Xildibaanka Cusub ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Shoobey, Xildhibaan Madkiin Mad Aftiin, Xildhibaan Hore Madkariin Sh. Maxamed, Aqoonyhan C/weli Deerow, Samadoon Aw Humow, Samaadoon Hafow Caliyow Gaashan iyo Weliba Xasan Isaaq oo ka mid ah Waxgaradka Beesha Hubeer.
Musharaxa Xildhibaanimo Xasan Cabdi Nuur (Xasan Xiifow) oo Xaflada ka hadley ayaa waxaa uu balan qaaday in hadii loo doorto Xubintaas uu ka shaqaynayo hormarinta bulshada Soomaaliyeed Gaar ahaan Degaanada Beesha Hubeer ee uu matalayo, waxaana uu soojeediyey khudbad uu ajandihiisa uga hadalyey oo wakhti qaadatay.
“ Waxaan Maanta Idin Sheegaaya in aan u taaganahay Musharax xildhibanimo Ee Baarlamanka DFS Ee 2016, hadii aan ku guuleysto waxaan ku dadaalaya Horuminta iyo Soo Nooleynta Adeega Bulshadda Ee Beesha Hubeer, waxaan idin ka soconaya ina aad I siisaan Codkiina isla markaana aad ii hiilisaan Maalinta Codbixinta” ayuu yiri Mushrax Xasan Xiifow.
“Waxaan diyaar u ahay isbedel odoyaasha, dhalinyarada,Haweenka dhamaantood waxaan ka codsanayaa in ay i doortaan si aan uga dhaqaaqno maanta meesha aan joogno” ayuu mar kale yiri Mushaarax Xasan Xiifow.
Sido kale Waxaa uu balanqaaday in uu ku shaqayndoono rabitaanka bulshada kana warhayndoono baahida Bulshada uu matalayo.
Xildhibaan Shoobey oo ka mid ah Mudanayaash Baarlamanka Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka hadley kulanka ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin kulanka ay la qaateen Musharax Xasan Xiifow waxaana uu intaa ku daray inay taageersan yihiin, loona baahanyahay in uu la yimaado isbadal sidii dhallinta Beesha Hubeer ee wax baratay ay u helaan fursado shaqo iyo weliba fursado ay kaga qeyb qaataan Hay’adaha DFS iyo Kuwo Maamulada Jubbalanada Iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Beesha ay degan tahy.
Aqoonyahan C/weli Deerow ayaa xusay in ay mar waliba garab taagan yihiin, Xasan Cabdi Nuur Maxamed (Xasan Xiifow) waxaana uu tilmaamay in la gaaray waqtigii dhalinyarada Beesha Hubeer xilka loo dhiibi lahaa, loona baahan yahay isbadal muuqdo, maadaama Xasan Xiifow Uu yahay qof da’yar, kana soo bixi kara howlkasta oo loo wakiisho.
Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jaylaan Sheekh Maxamed oo hadal kooban ka jeediyey Xafladaas ayaa tilmaamay in uu soo dhaweynaayo musharax Xasan Xiifow.
Ugu dambeytii, Musharax xildhibaanimadda Baarlamaanka 2016 ee Soomaaliya ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyey ee ka soo jeedo Beesha Hubeer oo Si Rasmi ah ugu dhawaaqo in uu xilkaas doonaayo bulshada uu cod uga baahan yahay.
Halkan Ka Daawo Video.Khudbada Musharax Xasan Xiifow
Halkan Ka Daawo Aqoonyahan C/weli Deerow
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay