Baydhabo(INO)-Magaalada Baydhaba Ee Xatrunta Gobolka Bay, waxaa lagu qabtay xaflad qalinjebin ah oo ay arday 30 ah kaga qalinjebinaysay dugsiga hoose, Dhexe Sare ee Al-Macrrifa.
Xafladda qalinjebinta ah oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin, waalidiin, arday iyo marti sharaf kale ayaa waxaa kamid ahaa dadkii ka soo qaybgalay gudoomiyaha gobolka Bay Cabdirashlid Cabdullaahi Maxamed LFC , gudoomiyaha degmada Baydhabo Cabdullaahi Call Watlin, wasiirka waxbarashada KoonfurGalbeed, maamulka sare ee jaamacada Baay, maamulka sare ee jaaamacada USS, iyo gudoomiyaha ururka Bay Youth Academic Association.
Xafladda qalinjebinta ahayd ayaa waxaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay ardaydli dhameysatay dugsiga sare ayada 00 ay halkaasna khudbado u badnaa dar daaran iyo dhiirigelin ka jeediyeen masuuliyiintii kasoo qaybgashay xafladda.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku soo badanaya tirada iskuulada iyo jaamacadaha waxbarashada ayada oo ay dhalinyaraduna inta badan ku dadaalayso xaga waxbarashada.
Magaalada Baydhabo ayaa hada waxaa kajiro 4 jaamacadood waxaana kamid ah, Bay University, Universityof Southern Somalia, Ganaany University, Upper Jubba university, sidoo kale magaalada waxa ay leedahay dugsiyo sare iyo hoose dhexe oo ka badan 10.