Daawo: Wasiiro Ka Tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Kormeerey Wadooyinka Degmada Afgooye Ee G/Sh/Hoose

0
344

Afgooye(INO)-Wasiiro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Iyo maamulka Cusub ee Degmada Afgooy ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Maanta Kormeerey Wadooyinka Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose, kuwaasoo ka muuqatey Burbur Xoogan.

abe

Wasiirka Haween iyo Arimaha Xuquuqul Insaanka Marwo Faadumo Cumar Beella iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda War-Faafinta Iyo Wacyi-galinta Bulshadda Ee Dowlada KGS Aabo Awow ayaa ka Hadley Wadooyinka Burbursan ee Dhex-mara gudaha Degmada Afgooye isla markaana maamulka Cusub Ee Degmada waxay kula Dar-darameen in wax weyn uu ka Qabto Wadooyinkaasi iyo Xaalada Degmada Afgooye.

” Annagu waxa nahay Wasiiradda Ka Soojeeda Gobolka Shabellaha Hoose, Maamulka Aan soo Xulanay ee Afgooye, waxaan idin ka rajeynaynaa inaad wax ka bedeli doona arinta Degmada, Namatala oo  wax weyn qabta” ayey tiri Wasiiradda.

” Waxaan U Hambalyeynaya Maamulka Cusub Ee Degmada Afgooye, Wasiirada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay isu qiibiyeen Gudiyo, Wasiir kasta waxa dusha Laga Saarey  inuu soo tayeeyo Gobolka uu  isaga ka soo Jeedo, Annagu arintaasi ayaan u kuur galeynaa, Gudoomiyaha Cusub waan kula xisaabtami doona Wax yaabaha uu ka qabta arimaha Degmada Afgooye Ee Loo Egmadey” ayuu yiri wasiir Aabo Aawow.

Gudoomiye C/qani Yuusuf Axmed ayaa  Dhankiisa sheegey in  bar tilmaameedkiisa koowaad uu yahay dhismaha wadooyinka Muhiimka ah ee dhexmara Suuqyadda iyo Xaafadaha Degmadaasi.

” Socodaalkan waxay qiib ka tahay, u kuur galka  xaalada Degmada Afgooye Ay ku sugan tahay hadda iyo Shacabka” ayuu Yiri C/qani yuusuf.

Halkan Ka Daawo.

 

Idale News Online, Xafiiska Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here