Muqdisho(NO)-– Shirkii Todobaadka Xuska Afka Hooyo oo Mudooyinkan ka socdey Caasimadda Dalka Soomaaliya kaa oo ku qeyb galey wasiirka waxbarashada iyo Barbaarinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la soo xirey kuna soo gabo gaboobey guul iyadoo wasiirka kasoo gaarey hadafkii uu uga qeyb galey kulanka Kana soo mira dhaliyey Baaqii Jaamacadda Bay & Aqoonyahanada Reer Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Jaamacadda Bay iyo Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya aya Dhawaan ka codsadeen Wasiirka Waxbarashada Iyo Barbaarinta Ee KG Soomaaliya in uu istaago Hormarinta Afka Maayga, isagoo taasi taabagalinayo ayuu ku sheegey shirkii Lagu weyneynayey Af Soomaali Maxaatiriga in Afka Maay-ga uu hodon ku yahay Xigmado iyo Maah maahyo isla markaana aan ku jirin eriyo Qalaaad.
Halkan Ka Daawo.









Mustafe Garabey, Idale News Online, Muqdisho.