Istanbul(INO)-Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya Mudane Inj. Saalax Sheekh Cismaan Muuse ayaa ka qeybgaley shir caalami ah shirkan ayaa waxaa looga hadleyey diiwaan gelinta, cabirka iyo sahaminta dhulka,wuxuuna ka dhacay shirka magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.
Wasiirka ayaa sheegey in baahi weyn loo qabo diiwaan gelinta arimaha dhulka Soomaaliya laga sameeyo, shirkan oo maanta lagu soo gebagebeeyey ayaa waxaa uu socdey 4 maalmood, waxaa ka soo qeybgeley in ka badan lixdan wadan.
Mudane Inj.Saalax S,heekh Cismaan Muuse Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya ayaa sheegey in wasaaradiisa ay u sameyneyso hey’ad u gaar ah sharciyeynta iyo sahaminta dhulka iyadoo la diiwangelindoono dhul kasta noocuu doono ha ahaadee, wasiirka ayaa sidoo kale sheegey in dhulka ay dowlada leedahay sharcigii lagu maamuli lahaana ay u sameyneyso.
Wasiirka ayaa ka hadley is haysadka dhuleed ee ka taagan wadanka Soomaaliya “waxaan ka horeynaa marka laga hadlayo arimaha dhulka wadamo badan kuwana wey naga horeeyaan” ayuu yiri wasiirka.
Soomaaliya ayaa markii ay bur burtey dowladii Militiriga waxaa dhacay in uu burbur xoogan uu ku yimaado hanaakii dhul bixinta Soomaaliya,taasii oo sabab u aheyd dowlad la’aanta dalka Soomaaliya lasoo daristey.
Ugu Dambeyntii Wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in ay dib u soo labaan doonto howlihii dhul bixinta Soomaaliya,waxaan dhisi doonaa hay’ad u gaar ah arimaha dhul bixinta iyo diiwaan gelinta dhulka nooc kasta uu yahay,beer hadey tahay goob ganacsi,dhul deegaan ayuu hadaladiisa sii raaciyey wasiirka howlaha guud,dib udhiska dowladda federaalka Soomaaliya Eng Saalax Sheekh Cusmaan.
Halkan Daawo Sawiradda.