Baydhabo(INO)- Wasaarada Caafimaadka Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Qalab Aad Muhiim u ah oo ah midka dhiiga lagu Keydiyo waxay ugu deeqdey Isbitaalka weyn ee degmada Baydhabo xarunta Gobolka Bay.
Wasiirka wasaarada caafimaadka Isaaq Cali Subag oo ah masuul aad u damqasho badan wax badana wasaaradiisa xaga caafimaadka ka qabatay Deegaanada Koonfur Galbeed Qaarkood ayaa maanta wuxuu isbitaalka Baydhabo ugu deeqey Qalabka Dhiiga lagu keydiyo kaasoo Wasiirka in mudo ah raadis kiisa ku howlanaa si ay u yeraato baahida Bankiga Keydka Dhiiga.
Wasiirka Caafimaadka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Isaaq Cali Subag ayaa wuxuu sheegey in Qalabkaan uu kasoo helo iska daba wareeg iyo orod badan hay’ada Caafimaadka Aduunka u qaabilsan Qaramada Midoobeey Ee ” “WHO”, waxaana Agabkaan aad qaaliga u ah lagu wareejiyey Agaasimaha guud ee Isbitaalka Degmada Cabdi fataah Xaashi waxana madashaasi Goob joogayaal ka ahaayeen Maamulka Gobolka Bay & kan Degmada Baydhabo.
Gudoomiyaha Gobolka Bay C/rashiid C/laahi (LFC), & C/laahi Cali Watiin ahna Duqa Magaalada ayaa ayaguna si wada jir ah u amaanney Wasaarada Caafimaadka KGS.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka & dhamaan shaqaalaha wasaaradasi oo waxyaabo badan lataaban karo ka qabteen Goboladaasi waxayna ku dhiiri geliyeen in howsha wasaarada lasii laba jibaaro kuwaasoo sidoo kale wasaarado badan fadhiid ah oo Dowaldaa KGS katirsan ugu baaqeen in waajibaadkooda kasoo baxaan wax u qabashada howlaha loo dhaariyey.
Ugu dambeyntii, Isaaq Moxamud Mursal Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Ee Dowada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wuxuu sheegey asagana in wasaarada caafimaadka ay ka go’antahay qalabeynta dhamaan isbitaalada degmooyinka iyo gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya waqti dhow.
Halkan Ka Daawo Sawirdda.
Mustafe Garabey,Idale News Online, Baydhabo