Daawo: Wasaarada Dhalanyarada iyo Ciyaaraha KGS Oo Baydhabo Ku Qabatey Shirka Wadatashiga Siyaasada Qaran Ee Dhalinta

0
226

Baydhabo(INO)- Waxaa manta ka dhacay magaalada baydhabo kulan ay soo qabanqabisey wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha DFS ayna fulisay wasarada dhalinyarada iyo ciyaaraha KGS kulan kaasoo looga hadlayey wadatashiga siyaasada dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed.
Waxaa ka soo qeyb galay kulanka Masuuliyiin ka kala socota Federalka iyo Konfurgalbeed Soomaliya waxa kamid ah Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna duqa magaalada, wasiirka Wasaarada dhalinyarada isboortiska KGS, Wasiir kuxigeenka wasaarada Waxbarashada KGS, Wasiir kuxigeenka Shaqada iyo shaqaalaha KGS, Agaasimaha waaxda Dhalinyarada iyo ciyaaraha ee DFSTaliyaha Nabad sugida Degmada Baydhabo iyo Ururada dhalinyada, Ururka Haweenka iyo qeebaha kala duwan bulshada .


Kulan kaas ayaa waxaa furay gudoomiyaha degmada baydhabo ayadoo ay ka hadleeyn Mas’uuliyiin kala duwan.
Kadib kulankaas ayaa waxaa is wiidaarsadey dood wadaag si aayaha dhalinyada mustaqbalka wax looga qaban lahaa sida Arrimaha Amniga, waxbarashada,caafimaadka Iyo si loogu sameeyo Shaqa abuur Dhalinyarada.
Waxaa ka mid ahaa dooda si looga hortago Tahriibka iyo ku biirista Nabad diidka.
Kulankaas ayaa waxaa uu ku soo gaba gaboobey si wangsan.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here