Mid ka mid ah Telefeeshinada laga leeyahay wadanka Mareykanka gaar ahaan gobolka ay Somalida ku badan tahay ee Minnesota ayaa ka waramay xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys. TV oo wareysiyo gaar gaar ah la yeeshay dadka Soomaaliyeed ee degan gobolkaasi kuwaas oo qaar ka mid ah sheegay in Xasan Daahir Aweys uusan aheyn Dambiile ama Criminal halka kuwa kalena ay yiraadeen waa in Sharciga lala tiigsado. Teleefishion Fox 9 News ayaa si aad ah u daneynaayey inuu ogaado aragtida Somalida ku nool gobolka si ay u ogaadaan waxa ay ka aaminsan yihiin qabashada Sheikha oo dowlada Mareykanka u aaminsan yihiin inuu mid ka mid ah masuuliyiinta xagjirka ah ee ururka Alshabaab oo mareykanka ugu jira liiska ururada argagixisada.
Daawo TV oo ka qaadaadhdigaaya qabashada Sheikh Xasan Daahir Aweys:
Idale News Muqdisho