Daawo: Wajiga 1aad ee Dhismaha Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso oo la soo gabagabeeyey

0
474

Boosaaso (INO) –  Wajiga koowaad ee garoonka caalamiga ee magaalada Bosaso ee gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland ayaa soo gabagaboobey, waxaana masuul ka mid ah maamulka garoonka cusub ee Bosaso u sheegay saxaafada iyo garoonka shaqadiisu bilaabmi doonto bilowga sanadka cusub ee 2016.

Maariyaha cusub ee garoonka Bosaaso Mr Bashiir Muuse ayaa sheegay in dhererka dhabaha ay diyaaraduhu ku duulaan ama ku ordaan uu dhan yahay 2400 meter halka balaciisuna yahay 47 meter. Maareeyahay ayaa sidoo kale sheegay in la dhameystiray goobihii diyaaraha ay istaagi lahaayeen iyo parking baabuurka.


bosasoAirport8

bosasoAirport7

bosasoAirport02

bosasoAirport5

bosasoAirport0

bosasoAirport2

bosasoAirport3

bosasoAirport6

bosasoAirport1

bosasoAirport4

bosasoAirport02

Madaxda shirkada shiinaha ee dhisaysa garoonka diyaaradaha Bosaso ayaa fasax 2 bil ku gaari doona dalkooda ka dibna dib ugu soo laaban doona Bosaso si ay u dhameystiraan qeybaha harsan sida terminal garoonka iyo shaqooyinka kale ee qurxunta garoonka.

Kharashka ku baxay dhismaha garoonkaan cusub ee Bosaaso yeelatey waxaa ku deeqay dowlada Taliyaaniga, waxaana dhowaan iyana gobolka Nugaal ka bilaabmi doona dhismaha garoonka diyaarada magaalada caasimada Puntland ee Garoowe kaasoo la siiyey shirkad Turkiga laga leeyahay oo iyaduna tartankii dhismaha garoonka Garoowe oo dowlada Kuwait ku dheeqday ku guuleysatey.

.
Idale News Online, Bosaso