Daawo: Wafdi uu hogaaminaayo Xiriiriyaha Gargaarka Bani’aadanimada Qaramada Midoobay ee Somalia oo gaaray Kismaayo

0
190

Waftigaan ka socday qaramada Midoobay ee maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa hoggaaminaayey xiriiriyaha gargaarka Bini’aadamnimada Qaramada Midoobay ee soomaaliya Phlip Lasaraani, waxaana kamid ahaa xubno ka socday hay’adaha UNICEF, WFP iyo UNOCHA


Markii wafddigaan ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa ayaa waxay gudaha garoonka diyaaradaha ay kulan kula qaatay masuuliyiin uu kamid ahaa Madaxweyne kuxigeenka maamulka Jubbaland ee magaalada Kismaayo ka arrimiya  Jeneraal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag

unVisitKismaayo wafdi-unka_5 wafdi-unka_9

Intii uu socday kulanka ayaa masuuliyiinta jubba Land waxay waftiga ka socday Qaramada Midoobay uga warbixiyeen xaaladaha kala duwan ee ka jira magaalada Kismaayo iyagoo ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ka taagan dhinacyada waxbarashada, nolosha, nadaafadda, biyaha, wax u qabashada dadka barakacayaasha iyo dhamaan baahiyaha kale ee ka jira magaalada Kismaayo oo aysan muddo ka badan shan sano si toos ah uga howlgalin hay’adaha samafalka.

Philip Lasaraani oo u hadlay xubnahaan ka socday Qaramada Midoobey ayaa kulanka ka sheegay inay wax badan ka qaba doonaan dhibaatooyinka bani’aadanimo ee ka taagan magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda.
Intaasi kadib ayaa masuuliyiintaan ka socda qaramada Midoobay ee maanta soo gaaray magaalada Kismaayo waxay booqdeen isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo oo ay dhibaatooyin kala duwan ka jiraan kuwaasi oo ay indhahooda kusoo arkeen.

Intii ay ku guda jireen booqashada Isbitaalka ayaa waxay sidoo kale gudaha isbitaalka kulamo kula qaateen xubno ka socda INGoska gudaha waxayna ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin wax loogu qaban lahaa dadka dhibaataysan.

Ugu dambayntii Afhayeenka maamulka Jubba Land C/naasir Seeraar Maax ayaa isna dhankiiisa waxa uu sharaxaad ka bixiyey waxyaabaha ay ka wada hadleen waftigaan ka socday qaramada Midoobay ee maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Sikastaba,  imaashiyaha waftigaan ayaa waxaa la filaayaa in ay horsdeed u noqoto sidii ay hay’adaha samafalku uga howlgali lahaayeen magaalada Kismaayo oo ay ku nool yihiin dad badan oo tabaalaysan.

Idale News Online, Kismaayo