Daawo Video:Qoys 17 Qof Ka Koobnaa oo Ku Dhintay Duqeynta Israel Ay Ku Heyso Marinka Qaza Iyo Xamaas oo Sawaariikh Ku Garaaceysa Tel Aviva+ Warbixin.

0
180

Xubno ku sugan Marinka Qaza ee dhulka Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in 17 qof oo hal qoys ah inay dileen diyaaradaha Israel kaddib markii gantaal uu ku dhacay guri ay deganaayeen oo uu leeyahay madaxa booliska Qaza.

Duqeymo kale ayaa la sheegayaa inay baabi’iyeen xarunta amniga iyo xiro kale oo ay lahaayeen ciidamada amniga ee magaalada Qaza, taas oo qeyb ka ah duqeynta ay Israel ku hayso dadka Falastiiniyiinta ee degan Qaza.

Xilli Sii horeysay, gantaalada ah noocyada meelaha fog-fog gaara ayay Xamaas ku garaaceen magaalooyiin ay ka mid tahay Tel Aviv.

Ku dhawaad 160 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay isbuuc qalalaasa ah. lama soo sheegin dhimasho dhanka Israel ah.

Dhanka kale, hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobey arrimaha gargaarka iyo howlaha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in 28 qof oo ka mid ah dadka guud ee duqeynta ku dhintay ay yihiin caruur.

Lataliyaha dhanka warbaahinta ee hay’adda UNWRA, Cadnan Abu Xasna, ayaa dalbaday in la joojiyo dhiigga iska daadanayo.

Wuxuu intaa ku daray, Qaza oo ah meel aad u dad badan in micnaheedu uu yahay inay dad badan ku dhimanayaan ama ay ku dhaawac maayaan haddii lagu duqeeyo hub aad u culus, Ayna tahay wax aan la saadaalin karin heerka ay dhimashada gaari karto.

Hoos Ka Daawo Warbixin uu Diyaariyay Telefeshinka Al Jazeera.

Cazza

Idale News Online, Cazza, Plastin