Top Secret – Erayga “Xalay Dhalay” waa aray ey Soomaalidu Mudadaan dambe Isticmaasho, waxaana Isticmaalo oo Eraygu kasoo yeeraa Midka Dambiga geestay oo aan dooneyn in lala xisaabtamo. Wuxuu yiraahdaa “War aan Xalay Dhalay ka dhigno oo aan iska iloowno horeynah u socono oo waa wax lasoo dhaafayee”.
Markii Eraygaas laga fiiriyo xag Islaamnimo, xag Soomaalinimo, xag Midnimo iyo xagga Saburka waa haboontahay in wixii xumaato la soo maray aan Dib loo fiirin ama aan Dib loo gocan, hase ahaatee waxaa dhacday in Midkii Dambiga galay meshuu Raali galin ka bixin lahaa asagii baa wuxuu yiri “Anigaaba Dambi la iga galay oo Dulmane ah sidaa daraadeed waa in la i Raali galiyaa”
Abayaaloow Dadkaas Maantay ma noolyihiin? Inteeseh Maantay ka nool?
Ma Mudantahay in la isweydiiyo oo Raali galin laga bixiyo falkaan?
Dadkaan waxey kasoo Barakaceen: Baay, Baydhabo, Qansaxdheere, Waajid, Habare, Baardheere, Buurhakabo, Kismaayo, Bu’aale, Saakoow & Jilib.